A Wetpaint Site
|
TV Fandex 100
Sign in to Wetpaint
Internet Explorer 6.0 is not supported. Please try
IE 8
or
Firefox
.
Home
Discussions
Photos
Videos
News
Updates
Droplets
Members
Sign in
or
AAFO KU NAAX
|
Version Compare
Back to page history
Version
User
Scope of changes
Nov 20 2007, 5:06 PM EST
(current)
kayd
1 word added, 1 word deleted, 1 widget added, 1 widget deleted
Nov 7 2007, 4:59 PM EST
kayd
1 widget added, 1 widget deleted
Changes
Key:
Additions
Deletions
WAXA AY MAANSADANI KU SAABSAN TAHAY DAWLADDA UU HOGAAMINAAYO CABDILLAAHI YUUSUF KAAS OO XABASHI OO SIYAASAD AHAAN SOOMAALIDA COLYAHIIN SOO KA XAYSTAY SI UU XUKUNKA GACANTA UGU HAYO.
Afku juuqda ma daayo
Waxa uurku tabaayuu
Ku aleegadayaayoo
Halka eesha xanuunka
Ayaamaa socon weyduu
Irbadaa ku mudaayoo
Adhka jeexi yaqaanne
Ax haddaad odhanayso
Ereygii ku damqaaya
Bal ujeedada fiiri
adeerow
Adeerow
wax ku qaado
Orgomaa wax jaraayee
Ilmaheenna cunaayee
Ablayduu ku wareemay
La ordaaya dhexdeenna
Haddii aan arkweynoo
Dadku eexo qabiilka
Aaladaa u tumaayoo
Eebaduu wax ku laayo
La afeeyo dhammaan
Waa adduunyo gaddooniyo
Aakhiroo cid u yeedhay
Ummadyay nixiweydoo
Ilmadii qubanaysee
Ubadkeedu shubaayee
Sidii roob onkodaaya
Ku dhacaysay agteenna
Arki weydey dhamaanoo
Asaraarkiyo buuqa
Ood ku roorka qabiilka
Ergo waayo dhaxaysa
Ugaas reer hebel sheegtoo
Utin qoys hibanaaya
Ugaandhaa talinaysa
Ingiriis la filaayo
Eedda layska duwaayo
Anuu waan arkayaaye
Ma aqoosan tahiin
Waa ayaamaha jooga
Isirkii wada yaalliyo
Abbayaal rogmadeenee
Uubta laysu qodaayey
Iyadoo alwanaysoo
Isu uubata yeedhoo
Arki weydey samaanta
Afartiiba ku roortoo
Ibtilaa ka dambaysoo
Askar meel laga keeniyo
Amxaar waayo qadoodaa
Orgidii qalanaayoo
Ugxantii jabsanaayoo
Eryanaaya hablii
Iblayskaa talinaayaa
Awood loo heli waayoo
Albaabkuu xidhanaayaa
Rag ilaalinayaayoo
Injir baa talinaysa
Waa ammuur iyo yaab
Amakaag waxa jooga
Abriskay sharraxdeen baa
Aroosk loogu tumaayoo
Eryanaaya dadkiisoo
Agoontaa koriweydaa
La adoonsanayaayoo
Afka loo ridayaayoo
Afdiinlaa la dhaceen
Awoodeey magacaabe
Itaalow lagu waa
Inkaar weeye gudaysoo
Alhuumaa dabajoogtoo
Ajo weeye la diidoo
Haddii oon ku dilaayo
Aroor looma kaxeeyoo
Soomaalaay ku ogaadoo
Ayatiin ma qabtaanoo
Dadka aafo ku naaxiyo
Abeeskaa dugsataanoo
Orodkaa ku kortaanoo
Marka aafadu joogtaa
Ilkaa loo qayaxaayoo
Uur xumay tarmayaanoo
Aar dambay higsataayoo
Axankay cuni doontiyo
Agaaskay u qaddaayo
Ninka oogta shidaayaa
Ardaa loo goglayaayoo
Dadana aana qabiilkay
Ilbaxii ku halmaantoo
Abtirsiimo la dhaafiyo
Awowgii sula jiitaa
Abab loo tiriyaayoo
Absaa la kacshaayoo
Ololaa waxa taagan
Ammuurtaa la badshaayoo
Oogta reer shidanaayaa
Olol loo kiciyaayoo
Afuufaaye dhashaa
Umushaa cararaysee
Ugaadh geedka la joogtee
Oodahii huwanaysee
Ufo roob kicinaaysiyo
Awaarii rafanaysee
La ordaysa dhasheeda
Inkaareey lagu waa
Abris baa wax jaqaaya
Edebeey lagu cay
Aqooneey lagu diid
Arxan ruux laga waayey
Ammaantiisa wadaanoo
Afar tuug gelbiyaan
Ugubkaa la jaraayiyo
Ubaxaa la dilaayaa
Utin loo filayaayoo
Ma illowdo dhasheedoo
Dadka kii iman dooniyo
Odayaal hadal hayn
Ifka way ku collowdee
Aakhiray ku heshiinne
Afkanow hadal daa
JavaScript must be enabled in order for you to contribute to this site.
To start contributing, enable JavaScript by changing your browser options, then
try again
.
Home
IDIL
HORMO WADE
AAFO KU NAAX
DHURDE
GABBALDAYE
QALALAASE
CARTA
DHIRBAAXO
DIGRII
TAAKO
DALMAR
SEBEN KULUL
SOOMAALI BAAN AHAY
XAAL
MUURMUURIS
DAYAX DHACAY
HAGOOGANE
HEESAHA KAYD CURIYEY INTA AAN HAYNO
SILSILADDII GOLE JACAYL
OTHER LINKS
RA'YIGA MARTIDA QOLKA SOO BOOQATAY
new page
(Uncategorized)