Adduun waa ayaan iyo ayaan oday ka sheekeeye
Astaamaha wakhtigu leeyahaan idin ogeysiine
Omos iyo abaar weeye oo lagu idlaadaaye
Oon baaba laysaga go'aa adhaxda jiilaale
Awaaraha kacaaciyo dabayl aad u soconaysa
Albaabada ayaa laga xidhaa uufta siigada e
Anfaciyo marbay kaa go'aan oonta xooluhuye
Oo aad abuurkaad gurtiyo ubaxu qaadhaaye
Marna waa il doogliyo caleen aaminoo wacane
Onkodkiyo hillaacays qabsada iniqda roobaade
Markaasaa indhaa lagu furaa mayay arooryaade
Iniinyaa dhulkii lagu ridaa soo awaal baxa e
Markaasaa irmaantii dhashiyo adhi la maalaaye
Ugadhii harradiyo nafley ayda mirataaye
Marbuu yahay iftiinkii jannada Eebbe soo rogaye
Ubad iyo waxaa lagu korshaa aadan tarankiiye
Iyagaa adeegsiga ku wacan orodna daaleyne
Aakhiro haddaad kala tagaan oohin baa hadhiye
Iyaba waa aastaamaha wakhtiga taynu aragnaaye
Afka lagama dhawree runtaa lagu itaalaaye
Astur maaha xaajaduye waa oogta ka caddeeye
Waxa uurka jiifaan rabaa inaan idhaahdaaye
Ujeedadu halkay daarrantaan idin ogeysiinne
Ugub weeye xaajada Siyaad eegga soo rogaye
Eebada raggii uu ku muday aaska lagu yuubye
Unuunkii la gooyaa dhexyaal ayda doogga leh
Eedaadka noloshaan hurdada lagu illaaweyne
Awood buu ku haystaa kursiga Eebbe muu odhane
Waxaan nahay uluuf iyo uluuf wada itaal roone
Sidiiyoo aqoontiyo cilmiga uunka laga qaaday
Wuxuu yidhi afkaygaa xukumi idil dhammaantiine
Ajo miir udgoon noogu sheeg uusna noo kariye
Utin reeb dadkii kala irdhee aafo nagu beerye
Isirkii walaalaha noqdiyo aabbo kale sheegye
Anbaqaad inuu oog ku shido ubaxa Soomaale
Uf waxaannu leenahay nimaan aayo noo taline.
Ayana waa astaamaha wakhtiga taynu aragnaaye
Afka lagama dhawree runtaa lagu itaalaaye
astur maaha xaajaduye waa oogta ka caddeeye
Waxa uurka jiifaan rabaa inaan idhaahdaaye
Ujeedadu halkay daarrantaan idin ogeysiine
Ummad dhimatay aarkii libaax uriyey jiidhkooda
Oo uu ardaagii ku cunay idil dhammaantoodba
Oorida ninkeedii la dilay lana agooneeyey
Ubadkeeda goortii la xidhay aragga loo diiday
Aqalkay lahaayeen mid kale lagu aroosaayo
Ayana waa ayaamaha wakhtiga taynnu aragnaaye
Astur maaha xaajaduye waa oogta ka caddeeye
Waxa uurka jiifaan rabaa inaaan idhaahdaaye
Ujeedadu halkay daarrantaan idin ogeysiine
Erinaya gumeysiga markii oodda lagu saydhay
Afka lagu hadlaayiyo markii edebka loo baadhay
Ummad keliya baa lagu fasilay aradka Soomaale
Asaagiin wixii uu ka tegey kama irdhawdaane
Abtirsiimo kama maarantaan abiyo sheeg sheege
Awowgiin wixii lagu diliyo eelki muu hadhine
Ujeedada Siyaad maydun garan amaradiisiiye
Iyadoo ableydiyo mindiyho adhaxda lays gooyo
Oo uu umala doox dhacoo obocda lays jeexo
Indhaa layska tuuruu rabaa laysku ololaaye
Oo uu intii soo hadhiyo ubadka laayaaye
Ayaamaha Ilaahay dadyahaw kala ayaan roone
Eersaday Oktoobare muyaa abaso lay keenay
Afdiinliyo miyaa laygu riday oloka baaruudda
Abris halaqa iyo good miyaa oodda laga qaaday
Inkaaraa dhacaayiyo miyaa aafo nagu raagtay
Aliflii miyaa laygu diray amarka soo qaatay
Askartii miyaa lagu fasaxay oori laga dhoofay
Idaajaa miyaa lagu bedelay aragtidii Liilan
Aarsiga qabiilada miyaa ulaha loo diiray
Waxba arartu yay ila durkine waxaan ku soo ooday
Soomaalaay idlaataye intaad ururka diidayso
Edegedeg intuu kala jiree laysu imanaynin
Ayaan gaadhimaysaane waa udulubkeenniiye
Orgomaa dhashaadii cunee iibshay magacaaga
Afweyniyo waxaa kuu sarrayn eyda dhoorka leh
Bal aan eegno aayaha dambiyo aramidii raagtay.