AnshaxThis is a featured page



Waxa ay maansadani ku saabsan tahay markii lala dagaalamaayey taliskii
dawladdii Siyaad Barre waxaanay soo baxday 1991kii.

Murtiyahay afkaygiyo
Uurkiyo calooshiyo
Obocdayda soo dhaaf
Soo jebi albaabada
Irridana ka soo bood


Uunkaan la noolahay
Halka eeshu taalliyo
U astee dhibaatada
Urugada i haysiyo
Uurkutaalladaan qabo
Nafta aynigeed go'ay
Araggayga liitiyo
Ilma qubashdaydiyo
Ummal tiica socodkiyo
Amakaagga nololeed
Agihii Hargeysiyo
Burco oollinkeediyo
Arabsiyo ha gaadhee
Araryahay ka faallood
Ereygaa ku sheekee
Ehelkayga gaadhsii
Oo wada ogeysii


Ninka aarsanaayee
Arligiisa daafaca
Kula oogan hawlaha
Ab halkuu lahaan jirey
Lagu diray aboorkiyo
Abriskii siyaadiyo
Awrkiraalahiisii
Isagoo asaagaya
Haddii uu ordaayoo
Oon iyo harraad qabo
Anfacii hadhuudh yahay
Haddii awrta loo raro
Arbaciyo khamiisiyo
Kala garan ayaamaa
Inaan wada ogsoonoo
Arxankii walaalnimo
Oogada jidhkaygiyo
Damqanaayo uurkuna
Arar yahay ka faallood
Eraygaa ku sheekee
Ehelkayga gaadhsii
Oo wada ogeysii


Aar waxad ku leedahay
Ilmihii koraayiyo
Haddii ooridaadii
Aaggii dagaalkiyo
Eedaadayaan hawad
Waxa aafo kaa badan
Oo kaa amuur culus
Amma kaa itaal daran
Ololkii cadaabtiyo
Aakhiro ha joogtee
Ifka kaaga hawl badan
Kuwa soo ordaayee
Adigoo agtoodiyo
Xamar oogadeediyo
Iimey dagaal gelin
Isu uubateeyee
Isha ceel berdaaliyo
Lagau jaray afmeerkee
Uus miirad koodii
Bahaluhu amleeyeen
Idhankiina buuxsamay


Anaa soo abraaroo
Sida eeri dhabankii
Alanbaqa ka duuloo
Meel aan awow iyo
Isir iyo walaaliyo
Weli aabbo raad dhigin
Orodkii ku gaadhaye


Hadii aad arooriyo
iftiinkii dharaarnimo
Isniin aydun joogtaan
Annagan alleyliyo
Axad baa na dhaaftoo
Waa kala adduunyee


Idil waxaad ku leedahay
Uu gaabadii hore
Raggii oogsadaan ahay
Afarqaadka socodkii
Kuwii aradka gaalada
Ku ekeeyey baan ahay
Inaan ahay addoonoo
Nin ameerikaaniyo
Afrikaanka kii dhacay
U adeego ruux kale
Arar yahay ka faallood
Ereygaa ku sheekee
Ehelkayga gaadhsii
Oo wada ogeysii


Astur waxad ku leedahay
Ubadkiyo carruurtii
Orgomaa ka soo diday
Edebtiyo xishoodkii
Anshaxoodu waa halis
Inay ooyayaanoo
Amakaagsanyiinoo
Eddo ruux tidhaahdiyo
Maqan tahay ayaydood
Arar yahay ka faallod
Ereygaa ku sheekee
Ehelkayga gaadhsii
Oo wada ogeysii


Amran waxaad ku leedahay
Haddii aabbahaa go'ay
Hooyadaa agoon tahay
Aqalkii lagaa riday
Adimadu ku daaleen
Amikaarka guuxiyo
Aakeega weheshoo

Wuxuu eebbe kuu qoray
Ninna oolinmaayee
Adigiyo ayaankaa


Wakhtigaa amuurtiyo
Absiyo dhibaatada
Aafaadka nololeed
Ololaha dagaalkiyo
Nagu riday alhuuntee
Dadka oolinkood go'ay
Iyo oodda wada taal
Inay aayo daranyiin
Abtirsiimo hoosiyo
Edegedeg ma diidaan
Odayadu sidoodaba
Arrin kuma heshiiyaan


Arar yahay ka faallood
Ereygaa ku sheekee
Ehelkayga gaadhsii
Oo wada ogeysii


Wakhtiyahaw abaartiyo
Ubaxaaga kala daa
Ufa yahay habaaskiyo
Urta roobka kala daa
Umul yahay xanuunkiyo
Kala daa illawshaha
Allahayaw afweyniyo
Ummaddaada kala daa


Unkay oo ka dheelmaday
Hadaba ila xidh doogliyo
Idhankiyo tigaaddii
Ku ekeeyey maansada
Anbaqaaday jiiftada
Aarkii ciyaayow
Sow aaran maad helin
Ajadii la miiraay
Uf miyaan ku leeyahay
Ergadii la keenaay
Miyaan oodda kaa rogay
Abriskii gudaayow
Ushi sow kumay dilin
Utintii la reebaay
Ninkii uurka ii dabay
Eebada markuu ganay
Sow oofta may jarin
Eexada qabiilnimo
Ka awoodda moodow
Sow iil kumay dhigin

Oogtaan shidaayee
Ololkeeda daaraay
Soomaali ururtiyo
Anbad kaan sugaayee
Waa maxay abeesada
Ilmaheeda wadataa
Iyo ayda lay galay


Ubadii la buux shaay
Aagaanka foorora
Aqalbaa wadaagtaan
Ninka aan irmaantiyo
Idahaan dhaqaayiyo
Ubireeyey awrkow
Sawdigan adeeryada
Shimbirii ugaadhsaday
Ee uurcastii diley
Omos yahow harraaddani
Ilka yahaw cadaawee
Ruuxii abaal gala
Axankiisa feentaa
Ibleys yahaw la soo diray
Ashahaadan mayside
Aakhiro xaggeed tegi













ed



kayd
kayd
Latest page update: made by kayd , Mar 9 2007, 7:10 PM EST (about this update About This Update kayd ccccccccc - kayd

No content added or deleted.

- complete history)
Keyword tags: None
More Info: links to this page
There are no threads for this page.  Be the first to start a new thread.