BARAHA (MACALLINKA)This is a featured page




Gabaygani waxa uu ka sheekaynayaa baraha kaasoo inna tusaalaynaya in uu baruhu (Macallinka) yahay kantababarka siiya qof kasta oo bulshada kaga jirakaalin weyn.waxaanan tiriyey aniga oo ku jira jaamacadda lafoole 1989kii.



Allii dunida uumee aradka meegaaray
Aasaas la'aan joojiyee udub ku taageerin
Goortuu albaabada u furay aadan soo geliye
Adhaxdiisa xaawoo ka timi oori uga yeelye
Ubadkay dhaleen baa tarmoo uunku soo badaye
Ayaantaa aqoontiyo cilmiga soo abaabula e
Urursade anfaaciga dhirtiyo ubaxa geedaaye
Aqal ay galaan bay dhisteen ilaxidh waaweyne
Eebada markii ay tunteen soo ugaadhsada e
Adhi iyo gammaan bay dhaqdeen ababna siiyeene
Iniintay ku beereen dhulkaa soo awaal baxaye
Aalaadka fudud bay barteen kuna adeegteene
Aafaadka cudur bay dawada kaga adkaadeene
Afkii lagu hadlaayey qoreen idil dhamantiiye
Alif ee (a) astaamaha ka dhige aadna loo baraye
Alfabeetadii laga abuur erayo dhaadheere
A'dii maan dhammaynine haddaan ururiyoo koobay


Barbarkeeda bii baa ku taal ba ina waa taase
Haddii aan bayaanshoo ayana erayo soo baadho
Barashada aqoontiyo markii hor u mar loo baydhay
Badaa laga tallaabe cilmiga dunida loo baahshay
Beyjyada markii lagu qoree baalka lagu dheehay
Ee loo baraarugay aqoon barasho dheeraada
Waxa baahi loo qabay ninkii buugta dhigilaaye
Ee barbaarta soo ururinlaa kii wax baranlaaye
Ee baaqa dheerayn lahaa hawlna bogan laaye
Bulshadii markay kulantayee beeshi soo ururtay
Baashii aqoontaa la helay biligu saaraaye
Haddii aan bayaanshoo ninkaa beydka ku caddeeyo
Boqolkiiba boqol waxa la yidhi baraha weeyaane


Basadiyo qofkii laga qabsado badaxa baashiisa
Ama biixiyuu kala jabaan bawdo kala duusho
Bogga iyo calooshiyo ninkii beerka laga maago
Kii bilicsanaayee indhaa baylku soconaayo
Ee ay bakooradu heshee beelis laga yaabo
Biif aan hadhayn iyo ninkii duray bestii jiifa
Uu baal ku reebee hurdada laba bogleynaaya
Intaa aan bukaan tiriyayee boogtu ololayso
Baantooda kaa garanayee barasho soo qaatay
Barta laga maraayiyo halkaa laga bogsiinaayo
Basarkiisa ruuxii tusee barayey xeeshooda
Boqolkiiba boqol waxa la yidhi baraha weenyaane

Barabarah roobkiyo biyaa bululuqlaynaaya
Burqad xoogle daad baaxad weyn baraf dhalaalaaya
Babaydhyada qabaw iyo dabayl buufle oo socota
Beydkaynnu kaga noolahee lagu badbaadaayo
Ee lana bariistee in bada lana bacaadaayo
Balaankiisa kaa garanayee barasho soo qaatay
Barta laga maraayiyo halkaa laga binayanaayo
Basarkiisa ruuxii tusee barayey xeeshooda
Boqolkiiba boqol waxa la yidhi barah weeyaane


Baauurta yaacdiyo kuwaa baalka laga taagay
Kuwa badaha lagu dhaafayee maalna laga buuxsho
Badeecada kuwaa lagu raree orodka bay siiya
Boholyawga daalkiyo kuwaa boodhka laga fuulo
Birta kaa yaqaanee in badan barasho soo qaatay
Barta laga maraayiyo halkaa boolka lagu taago
Basarkiisa ruuxii tusee barayey xeeshooda
Boqolkiiba boqol waxa la yidh baraha weeyaane


Buuraha ninkaa duminayee babaca goyanaaya
Meeshii biyaa haysa iyo bohosha gaadhaaya
Baasiinta kala saarayiyo boodhka iyo ciidda
Ee badaha waaweyn ka qoda dahabka buurbuuran
Baadhaa carrada jeexayee barasho soo qaatay
Barta laga maraayiyo halkaa beebka lagu taago
Basarkiisa ruuxii tusee barayey xeeshooda
Boqolkiiba boqol waxa la yidhi baraha weeyaane


Beeraha adduunkiyo nimcada lagu badhaadhaayo
Burka iyo galleydiyo bariis gaajo lagu beelo
Basashiyo qudaartiyo kuwaa badiya dhiiggeenna
Bacad kulul kuwaa laga galee laguna baashaalo
Beeristooda kaa garanayee barasho soo qaatay
Barta laga maraayiyo halkaas laga biyaynaayo
Basarkiisa ruuxii tusee barayey xeeshooda
Boqolkiiba boqol waxa la yidhi baraha weeyaane


Xoolaha baruur laga jariyo hilibka buurbuuran
Buqulaha haddii loola galo caano laga buuxsho

Burcad subag ah goortay dhalaan badhaxa reebaaya
Baadiyaa kuwaa lagu rartee orodka bay siiya
Badistooda kaa garanayee barasho soo qaatay
Barta laga maraayiyo halkaa laga biraynaayo
Basarkiisa ruuxii tusee barayey xeeshooda
Boqolkiiba boqol waxa la yidhi baraha weeyaane


Bedladaa dharkaan qaadanee bilicda rooneeya
Buushkaynnu xidhaniyo kabaa boqonka dhawraaya
Baaruudda qiiqdiyo hubkaa cadawga kaa baaja
Bidhaamaa iftiimiyo nalkaa beledka nuuraaya
Kuwa soo bandhigayee yaqaan barasho dheeraada
Basarkooda ruuxii tusee barayey xeeshooda
Boqolkiiba boqol waxa la yidhi baraha weeyaane

Badhaadhaha adduunkiyo nimcada lagu barwaaqoobay
Barashada aqoontaa dhashoo loo baraarugaye
Barahaa ku hawshoonayee dhigaya baabkeeda
Barbarrada haddaan lagaga jirin hawsha lala baacin
Bulshadiisu taageerinoo baasha laga joogin
Inay baaqanaysaa dhaboo baylaha ay tahaye
Barbarkaaga qabo ruuxwalow baadi yay noqonne.



kayd
kayd
Latest page update: made by kayd , Aug 1 2007, 10:59 PM EDT (about this update About This Update kayd Edited by kayd

3 words deleted
1 widget added
1 widget deleted

view changes

- complete history)
Keyword tags: Waxa qabad ka macallinka
More Info: links to this page
There are no threads for this page.  Be the first to start a new thread.