DALMARThis is a featured page



GUJI MEESHAN

Maansadani waxay soo baxday 1990 markii lagu tala jirey in xukunka laga qaado dawladdii Siyaad Barre waxaanay ahayd dardaaran aan u soo jeedinaayey dadweynaha si aanay hadhow isugu soo jeesan marka maamulkaas xukunka laga wareejo, waxaana dhab ah in ay dhacday taan uga digaayey oo aan weli kursigii Siyaad laysku haysto. Waxaa kale oo ay ku saabsan tahay dhoofka iyo sida qofku ugu boholyoobo dalkiisii hooyo marka uu ka dhoofo ee qurbe galo.

Inkastoon dabuub gabay
Hadallada dahsoonee
Damaqiyo xanuunka le
Iska diiday waa hore
Maansada dareenka ley
Hadba ducaducayniyo
Daandaansi badanaa
Afka lama daboolee
Debno ooman baa jira
Maskaxduna ma daashee
Hadal ducasho badanaa
Deeleyda heestuna
Dawankeedu dheeraa

Anigoo doc jiifoo
Dermadii la ii dhigay
Darafkeeda dhaafayn
Saw daadah may odhan
Oo dibedda soo baro
Miyaan dalandal socodkii
Dudadii ma joogine
Durkiyoo tallaabada
Weli duulayaayoo
Dacalkii adduunkiyo
Dabadiisa aan imi

Dalmar weeye magacay
Anigiyo da'daydaba
Maa laa daayinkaa baday
Kala daadsanaantiyo
Debedaha warggiy
Dal qalaad wanaag ma leh
Derejiyo sarrayn ma leh
Deris iyo xigaal ma leh
Dugsi iyo gabbood ma leh
Ninka dani ka haysow
Adigiyo damiirkaa

Debed joogga yeelkaa
Carab dirashadeediyo
Dafiraadda yeelkaa
Gaal kuu darraadiyo
Digsi maydhka yeelkaa
Ducadiyo samaantana
Wuxuu daayin yeeliyo
Wuxuu diido yeelkeen
Innagaa danteeniyo
Garan weyney dawgee

U darsaday dhulkaygii
Waxaan tebey daruurii
Dusha iga hadhayn jirey
Iyo diillintii gurey
Dabshidkii hadduu galo
Dogboyada ma tuuroo
Lama oga diraaciyo
Dayr iyo xagaayoo
Dardhad weeye meeshani

Ma deggani ma duulani
Tolow daalku waa maxay?
Ma dillani manaan dagan
Duuga weeye xaajadu
Nin dabayshadaan ahay

Anigiyo dirkaygaba
Dawrsiga shisheeyaa
Kuwa door bidaan nahay
Dabagiije waa kuma
Hooyadii dagaal geli
Isna doonni soo raac
Anigaa ka sii daran
Damac wuxuu i leeyahay
Doqonyahaw qurbaha joog
Anna diiday maan odhan
Dooddiise noo furan
Isagiyo dareenkay
Doodoodi joogtaa

Diintii islaamkiyo
Dhaqankii diciifyoo
Afkii hooyo duugaw
Dibna looma qaban karo
Labadii is doortee
Isu doonanayd iyo
Laba deris ahaydiyo
Laba daarad wada tiil
Dahabiyo dhasheedii
Kala dide dadweynii
Markii dulinku soo baxay
Dooxii Hargeysiyo
Burco daafaheedii
Dusha Ceerigaabiyo
Dacallada Nugaaleed
Degmo qudha ayaa tiin
Ummad yahay dantiiniyo
Dirir baa u joogtaan
Dulmigiyo dhibaatada
Haddii aad ka diirteen
Kana digigixooteen
Xaqaagii la duudsiyey
U dagaalamaysaan
Daal iyo harradiyo
Diihaal ku nooshiin
Weli daalin baa jira
Rag danaysta baa badan
Dire dire dadweynaa
Habar habar nin doonoo
Sunta daadiyaa nool
Wixii dilay awowgii
Dulcad dhigay asaaggii
Dulmigiyo qabiilada
Nin u daacadaa jira
Haddaan laga digtoonaan
Oo layska dala'sado
Dunqulaalka uu shido
Dibbaa looga sheekayn

Degmadaa ku nooshiin
Haddii daad ku soo jabo
Ma dabaalanaysaan
Daranyadiyo gaajada
Diihaalka caydheed
Waallee kama dawowdaan
Nacabkii ku dooxiyo
Ninkii daarta kaa ridey
Duunyadaa kii dhacay
Dulinkii ku soo cunay
Kama diirsataan abid.





kayd
kayd
Latest page update: made by kayd , Aug 31 2007, 2:40 PM EDT (about this update About This Update kayd Edited by kayd

1 word added
1 widget added
1 widget deleted

view changes

- complete history)
Keyword tags: None
More Info: links to this page
There are no threads for this page.  Be the first to start a new thread.