GABBALDAYEThis is a featured page




Waxa uu ku saabsan yahay gabaygani madaxnimo jacaylka, qabyaaladda iyo sinnaan la’aanta sida takoorka Gabooyaha ama Midgaha dadka loo yaqaan (1993)

Xaajada gondaha kaaga maran kuna gujaynaysa
Gocashada xanuunkiyo halkii gabay la ooyaysa
Geeraaradaa lagu sabaa guuxa aan hadhine
Anigoo guntiga lay xidhoo gabana oo liita
Geeloo arooriyo anoon ceelalyada gaadhin
Gurigiyo ardaagiyo anoo gudaha meeraysta
Gole laga cayaariyo anoon gabay ku dhaantaynin
Anigoo goshii hooyaday gama'lay seexho
Gorofkiyo hadhuubkiyo anoon gudinta lay dhiibin
Geediga hayaanka ah anoo gurada lay saaro
Gobanimo la qaatiyo anoon garan wixii jooga
Lixdankii raggii ii gurmaday in gargaaraayey
Gacan baan u dirayaa ninkii guday xilkiiseeye
Soddoon guuro iyo waa guyaal gooshkan maanta ahe
Gogoshii kuwii baa fadhiya geedka loo dhigaye
Gaashaan la ciir baa na wada taniyo goortiiye
Gadhcaddaa haddii aad ahayd maanta waa gabaxe
Gahaydhkii magool saarayaan gawsku qabanayne
Gacayradu dhanaan maleh haddaad goyso duhurkiiye
Gocondhadu xanuun maleh intay geed ka lulataaye
Waxa guunyo loo sahamiyaa guriga daaqroone
Kama guro dadkeennii ninkii garasho dheeraaye
qofk kastaa marbuu hawlgabaa sharafna gaadhaaye
Oo uu guduunshaa nin kale kii gadaal yimi
Kama go'oh dadkeennii ninkii madaxda gaadhaye
Gafuurkay hadhsanayaan kuwii gaaladii diriya
Geyigaba kamuu dhalan mid yidhi gaabshay socodkii
Anigiyo gankaygaba la diid inay guddoonshaane
Gafanahu wuxuu iiga lulan madaxa guudkiisa
Gabaarayda igu yaaciyee garabcas ii keenay
Ama ganafka lay yuururee layna gadanaayo
Gabbal daye wuxuu iga rabaan garan aqoon waayey

Gole sare ninkii laga dhigee shicibku gaadhsiiyo
Goortii la doortiyo hadday gudubto taariikhdu
Gashi naguma yeeshee hadduu godob la meeraayo
Anaa lay golleeyahay war xumo beesha gelinaayo
Gurmadaay ka soo kaca tolkii galawku heesaayo
Garaadkii la diidyeey intaa gini la dhiibaayo
Garri laysu tumayee mid kale daba guclaynaayo
Waxa meesha lagu gaadayee looga go'I waayey
Ee geeska loo fiiqayaan garan aqoon waayey!

Goofaadhtan hoosiyo wixii hore innoo gaadhay
Amma geel la kala qaadi jirey gulufna raacaayey
Guri kii yagleelaba mid kale gurayey ooddiisa
Galka laga cabaayiyo biyaha maalku geli waayey
Gashi laysku yeeshiyo haddii talo gawaanraacdo
Garta Ina Sanweynaa yaqiin garashadeediiye
Goortaa la dhaafyoo adduun gelinba waa cayne
Immikaa waxii laysku galay gaalku naqayaaye
Guddoonshaha ayey wada rabaan loona go'ayaaye
Maantay gudoodiga ku tahay meel la garanayne

Haddii geesigii idin hor kaca gees la qaban waayo
Gaar loo tilmaamoo mid kale gawska dhiganaayo
Gujiyaay la leeyahay qabiil maaha gacalkaaye
Gacan laysu dhiibiyo hadday garasho kaa duusho
Go'a laysu tuuroo wanaag xadhigga loo gooyo
Garawshiiyahaa lagu socdaa lays afgaran waayo
Adaa gabay inaad dawladnimo gaadho weligaaye
Gedaankay ka lulataa xornimo mana gargaartaane
Geyigoo samaadiyo ha filin guurti nabadeede

Gar la sheegoo gaagaabsi qolo geedka laga baano
Garoon lagu faqaayiyo xigaal garab is moodaaya
Oo kala go'aayoo hadana gees u diriraaya
Ummaad garashadeedii luntoo gaabs talinaayo
Oday guraca taagiyo qabiil gadayo maankooda
Waxa goosan lagu doonayee gebi innoo diiday
Gunnadaa la kala boobayee lasu garan waayey
Ee loo galaayuusayaan garan aqoon waayey!

Gabooyaha kuwaa ula baxdeen gacal ma mooddaane
Garoon lagama soo qodin kuwaa gees u erideene
Garabrarato weeyaan nimaan guri u oodnayne
Guunyadu dhaqmaad male haddaan geedo loo heline
Goodiga la daaqiyo markii geliga loo diiday
Waa inuu gantaalaha ridaa mulaca gaadaaye
Golfafaha ma deyn karo nimay gaajo dubataaye
Garanuugta cawshiyo hadduu goodir qalanaayo
Gorayada haddii uu eryado uma garawdaane
Gudimada ninkaa kuu tumee gaabsha timahaaga
Amma garac neef marinayee ganaca aad siiso
Gudis lama amaanine hablaa hilib ka goynaaya
Girgiraha hadduu kuu xidhxidho waanad garanayne

Ima gayo ma guursado haddii laysu wada guuxay
Garaadkiinnu wuu fooraraa garanamaysaane
Gumeysigu kumuu badin waxaad yeeshay gobolkaaye
Adigiyo ninkaa kula gudboon nabarna gaadhsiisay
Gaar midab ah ruuxii leh baa lagu garbeeyaaye
Gabbal lagu tilmaamiyo haddii goobo lagu sheegay
Adiguba galaal baad qabtaa guudka oogada e
Adduunyada haddaad geli lahayd gaanka lagu noolyey
Garab shiilin gawaha la dhamo gol iyo laab raacda
Gasiin adi lagu doorayoo gooni loo kariyey
Gogoshaada may kala wadheen gaari loo diraye
Isna lama guhaadsheen intoo gooni loo diro e
Gommod lagu harraadiyo lafaa lama guddoonsheene
Gabno looma dhiijeen hashaan godolka qaadayne
Adigaa garaadada xidhee Guulle muu odhane
Garays waxaan u saaree nin kale gun ugu sheegaayo
Amma gob iyo faankeed yahaan garan aqoon waayey!

Markii dunida gaar loo dhigee Guulle kor u taagay
Gabaahiira waa tii ahayd gebi ahaanteede
Markii Aadan guudkeeda yimi Xaawa laga gooye
Tarankii iswada gaadhayee kala gaboobaayey
Tiro laguma soo guurin karo taniyo goortaase
Guuleed Warfaa iyo haddaad Geydhe marinayso
Guutaale waa laga tegee Carabta gaadhsiiso
Garooc baad ka sheegtee ma tirin guutadii hore e
Ummadii gaboobiyo kuwaa dunida guud jooga
Giddigood walaalaa tihiin gaanka aadmiga e
Gaalkaad sinaydeen ma ogid goobta uu dego
Gubadkii adaa baadhayee guure lagu dhaafe
Abtirsiimadaa kala gurtaan gubasho weeyaane
Giraantaa wakhtiga soo martee dib u geddoomaysa
Soomaalidaa garan taqaan geesta loo wado e
Waxaan hayb u sii gocanayee una god raacaayo
Ee gaamurkii ugu abtirin Guba la soo dhaafye
Gooryaanle ii noqonayaan garan aqoon waayey.

Inta lays gilgilayee madfaca laysu gelinaayo
Ee maamulkii loo guntaday guudka sare joogey
Waa kaa dhulkeenni galbaday xaalufkii gudhaye
Galoolkiyo maraagii haddii xididka loo gooyey
Oo aad gammuurteen dhirtii lana garaacaayo
Gabbood lama fadhiistoo dhulkii gelengel weeyaane
Gorofkiyo tigaaddii halkii geelu miranaayey
Gaashan dhiggaad ururiseen gaadhi marinaayo
Gawaantaa u oodaan nafluhu kuma guyeystaane
Gosha midhaha lagu soo ridiyo xabagta gaagaaban
Geel jire ma haybsado wuxuu gurayey hoobaan

Gooshiyo libaaxii sidii gorayga loo waayey
Guunyana inay kaa baxdaad galabta joogtaane
Geed uu fadhiistiyo markuu laanta geli waayey
Gorgorkii wuxuu kaaga tegey gaajo iyo oone
Kiiniya ugaadhii gashay doollar gurayaane
Gollidaa la dhaqayaa adaa gaabshay noloshiiye
Gabannada kacaayiyo kuwaa goor la dhali doono
Giriyaad ninkii uga tegow waa garoon madhan e
Gobblan talo adduunyooy maxaa gabay laguu sheegay.







kayd
kayd
Latest page update: made by kayd , Mar 8 2009, 10:50 PM EDT (about this update About This Update kayd Edited by kayd

3 words deleted
1 widget deleted

view changes

- complete history)
Keyword tags: None
More Info: links to this page
There are no threads for this page.  Be the first to start a new thread.