HORMO WADE |

Version Compare

Back to page history

Version User Scope of changes
Mar 8 2009, 10:38 PM EDT (current) kayd 1 word added, 4 words deleted
Nov 23 2008, 6:35 AM EST kayd 3 words added

Changes

Key:  Additions   Deletions

Waxa uu gabaygan ku saabsan yahay dhaqanka Soomaalida kuwa aan isbedelin amma aan la jaan qaadin ummadaha kale, waxaana ka mid ah noloshii miyaga ee ku dhisnayd dhaqankii hore oo hadda ay ummaddu rabto in ay dawlad ku dhisaan ayaga oo welina talada hayaan Madax dhaqameedkii miyiga ka talin jiray oo adduunku ka tegey laakiin soomalidu weli daba socoto.socoto

HALKAN KA DHEGEYSOHabka gabay higgaaddiyo naxwaha hilinka loo xaadhay
Nin waliba halkuu maaggan yahay wuu hummaajiyiye
Horaan kuugu sheegee murtida waa ka huruddaane
Intuu haraggu nool yahay maalaa igama hooydaane
Markaan hoyga aakhiro galaa ka hadli doontaane
Kamaad helin halkaan kula mariyo hadaladaydiiye
Hog daloola haadaan la qoday hul iyo meel jeexan
Haadaaqda waataan ka digey hoosta loo galaye
Adduunyadu hayaan bay ku jiri waana la hubaaye
Halkii uun ma taagnee wakhtigu waa hadhkoo kale e
Halkaad caawa joogtaa mid kale soo higsanayaaye
Soomaalaay habeen baad tahoo maad hanbaabirine
Adaa heetinaayee nin kale hiirta kaa durugye
Nin habaas butaystaan ahoo hawd dhex yuurura e
Hawadaa la marayaa anoo hooska jiifsada e
Hakashada waxaa kuugu wacan hor u kac kuu diiday
Amma hoos innoo dhigay malaa hadiba maysaane
Balaan kuu higgaadshee mar kale hooya taladayda

Hormo wade dadkoo hal iyo mida hayb u kala sooce
Boqor haarrinaayiyo Suldaan soo hor kaca beesha
Shaydaan hunduudiyo Garaad kama hawootaane
Ninka hadhaca loo xaadhayaa waa habkii tegeye
Adduunyadu horay uga martoo waa hayaan socode
Horaa looga jiitee adaa haysta weligaaye Sawdigan
Habtii weli ku jira hore wixii joogey
Illayn waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye
Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?

Habka dawlad lagu maamulaa lagu heshiiyaaye
Hurdankii sokeeyaha markay habar la yeedhayso
Odayaasha hootada la koray hadal ka dhawrayso
Iyagoo harraadkii melmeley haro biyii laacday
Oo aan hadhuudh iyo bariis hoyga lagu sheegin
Hubka laba dhacaayiyo rasaas holac ka duulaayo
Hoobiyaha ninkii soo rogaa waw habeen dhalade
Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye
Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?

Dagaal huriye haybtuu noqdiyo haanka lagu sheego
Halyey buu u yahay reerka dhalay kun hagoogtaane
Haawiya hadduu gala yidhaa waa hinqanayaane
Ma hubsado hacoogii qabiil soo hoggaan baraye
Isagoo halaag iyo ku wada hawker iyo dhiillo
Hoorrigu ninkiisii u kacay waw halgamayaaye
Hareeraha waxay uga socdaan hiilla ugu deeqi
Ee ay u wada heeggan tahay waa hoggaanshaha e
Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye
Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?

Hoolifloow libaax iyo shabeel soo hunduda kaynta
Bahalaha hadaafiyo kuway shiishu qarinayso
Haylaha mid kuu gala maskiyo hararka qaar jiifa
Hurgumada abeeskiyo intuu halaqu kaa laayey
Amma uu harraad dilay markuu hawd ku macaluulay
Haddii aan hareer dhigo intii hanaqa aad goysey
Amma hanaddo kaa tegey adaa hoos u gawracaye
Iyagaa hubaashii ka badan tan iyo Haabiile
Hilbahiinna cuna uumiyuhu idinku haasawye
Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye
Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?

Hinqashada qaxoontiga markay kala huleelayso
Haweenkiyo carruurtii markuu hugun ka yeedhaayo
Hooyadu baroortii markay hoogay kor u yeedho
Ee ay hengelihii caddaa hayle wada qaaddo
Haad soo gableeyiyo dhurwaa hilibka uu feento
Ayaa heello wiirsiga mid kale soo halaanhaliye
Huuhuuda faankiyo markuu habacu faanaayo
Oo hebel anaa dilay mid kale ku hindiwaasaayo
Haasaawahaa laga guraa lagu habsaamaaye
Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye
Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?

Hanti iyo dhaqmaad xoolihii hibo laguu siiyey
Haldhaagiyo biciidkii kuwii hawdka miranaayey
Kaymaha hadoodilan kuwii hadhaca joogjoogey
Hariiryaalihii goodirkii hoobte deeradiye
Haaruun faciisaa rogmaday heeliyaan dhalanne
Holholkii kamaad jarin midkay heertay qodaxdiiye
Hurunshaha baxaayiyo markuu holacu soo gaadhay
Dhulka haawanaayiyo dhirtaa cidi hanbaynaynin
Ma hadhsado hadhaagii baxsaday habar dugaaggiiye
Haarriye ugaadhii markay halasa jiidheene
Hunguuftiga ka oogsade markaa harag u tuurteene
Haankaa u goyseen naflii waana haayiraye
Ka huleel hayiin iyo dayiin hud iyo ceelkiiye
Iyana waa hantaaqada wakhtiga hoos innoo dhigaye
Bal inay habaar tahay maxaa looga hadhi waayey?