MADAXWEYNEThis is a featured page




Riix meesha cad

Maansadani waxay ka jawaabaysaa silsiladdii taxanaha ahayd ee ku saabsanayd madaxweynaha Somaliland magaceeduna ahaa Madaxweyne waa kuma?



Maansadu dareenkay
Maradhaamisaayoo
Halka maaxdu jiiftiyo
Maankay qoddaayoo
Waa muraayad waayaha
Lagu muujiyaayoo
Halka ay ku mudan tahay
Muruq baa ku joogoo
Maalay qadhaadh iyo
Mur haddhay ka daran tahay
Kama maagto teedoo
Maskaxdiyo halbawlaha
Marrinnada ka faafay
Makhsinnada ku leedoo
Maamkeedu yaallaa
Qofka mawjadeediyo
Mayaygeedu jiidhaa
Mir kacuu habeenkii
Ereyada maleegaa
Miinleey ka curiyaa
Halka ay ka midhiq tidhi
Ka hillaacday maantana
Bal aan muujo taan rabo
Erayadan miciinsado
Oon sheeko murugtiyo
Kala miiro taan qabo

Runta aan u meel dayo
Meherbay ku dhalataye
Maamuus u soo diro
Midigteeda hooyoo
Ha bedelin macnaha guud
Maryihii hiddaa iyo
Boqor bay ku marantaye
Milgadii ogsoonow
Mergi weeye hadalkuye
Muurmuuris kala dhawr


Madaxweyne waa kaa
Maatada kuwii jaray
Marta dumarka siibee
Maxstiina gawracay
Maaruqay carruurtii
Mindiyaha u qaadee
Mindiishii saraysiyo
Mudacayada xanbaaree
Maamulay dhankiisii


Madaxweyne waa kaa
Meydkuu ku joogsday
Weli muuqanaayee
Mililkii halkuu galay
Weli sii madawdahay
Dheecaan maleesamay
Daadkii habeen mary
Weli maydhin dhiiggii
Mitidkii dagaalamay
Ee macangaggii diray
Ka manquushay goobtii
Ee miino jiiftiyo
La kaceen masbaarradu
Maskab caawa loo tirin
Ee uu mar dhoofiyo
Nin maqnaa ku soo degey
Masalaha ka jiitee
Maareeya guud iyo
Magacii wasiir yahay
Moohaarka kii tumay
Mooyaana soo helay
Masaftuu ku shuba yidhi
Meel shisheeye kii tegey
Intuu mururuf soo yidhi
Ka maroojey tiisii
Wada miistay kelidii
Muran yahay xaqiisii


Madaxweyne waa kaa
Maamulkuu ahaan jirey
Maraagay garaaceen
Miishaarta lagu jaray
Magool saari waayee
Midhihiyo canbuushii
Morohdii la diirtiyo
Meygaagga jiifsaday
Muquusiikii abaar yahay
Mara boobtu doog tahay
Meel kale ha eegin
Isagaa markhaatiya
Oo maragga kuu furi

Madaxweyne waa kaa
Maqashiisa raacee
Mayraca habeenkii
Maaweelo joogta ah
Madadaalinaayee
Odayada mirqaankiyo
Ugu roon masruufkee
Maamuus qabiiliga
Mulaciyo abeeskiyo
Maska guda habeenkii
Kala moosa toodee
Isna mahadda leeyahay


Madaxweyne waa kaa
Mashaqada la nool yahay
Muruqmaal sadkii helin
Maalkiina uu baxay
Mareegtii la soohiyo
Madhan yahay duleedkii
Dadku wada mallaaliyo
Macal qabad u jeesteen
Masaariif ninkii hela
Marti badani joogtee
Maraq ay wadaagaan
Muruqiyo tagoogtiyo
Misigtii la kala jaro
Dadka kii madluunee
Midigtiisa waayana
Macaluusha uu qabo
Muska jiifsanaayee
Isna uu mushaaxee
Meel kale u duulee
Miciyaha samaystee
Ku mashquulay tiisii
Muudsaday wuxuu helo
U mashxaraddo taan ogey


Madaxweyne waa kaa
Maalkii dadweynaha
Iyadoon macaaash jirin
Mafris lagu fadhiistiyo
Murruq jaada mooyee
Macano yeelan waayee
Iyadooy madaw tahay
Maqan yahay ilayskii
Majaroor la dhaansado
Moodhikaarka guuxiyo
Kii socodka maagani
Haad wada maraanoo
Miiq yahay jidweynuhu
Marduufkii la feentiyo
Bacdu tahay malaayiin
Mulacyaysa suuqyada
Mijahiisa sudhan tahay
Maanaca habeen odhan
Midhiq yahay xashiishkii
Malko weyn ka buuxsamay.




kayd
kayd
Latest page update: made by kayd , Aug 28 2007, 11:22 PM EDT (about this update About This Update kayd VVVVVVVV - kayd

No content added or deleted.

- complete history)
Keyword tags: None
More Info: links to this page
There are no threads for this page.  Be the first to start a new thread.