MUURMUURIS |

Version Compare

Back to page history

Version User Scope of changes
Dec 25 2007, 10:04 PM EST (current) kayd
Dec 25 2007, 10:04 PM EST kayd

Changes

Key:  Additions   Deletions

Waa gabay ku saabsan suugaanta iyo habkii loo adeegsan jirey xilligii
kacaanku jirey taas oo illaa maanta nin habkeeda maansada yaqaan iyo mid aan aqoon u lahayniba uu tiriyo iyada oo qalqalloocda, markaas suugaantii oo ayadu cabanaysa ayaannu gabaygan is weydaarsanay.

Suugaanta maad laga dhigtee maydka laga yeelay
Ayadoo madluuntaan arkoo murugo haysaaye
Miridhkaan la joogsaday warkay miimka ka caddaysay
Waxay tidhi madoobaadayeey ima maqlaysaane
Maankaa i doorsamay waxay maanso bidayaane
Nimankii i maamuli jiree magaca ii yeelay
Macnahayga way garanayeen marinadaydiiye
Way mala habaabeen kuwaa maanta ii hadhaye
Maalay la qooshiyo sidii mur iyo daybaaqda
Imikay maroor ugu gabyaan maaxda hadalkiiye
Yaa meeriskaygii qaribay ma hadho weeyaane?

Waxaan idhi maraaraha wakhtigu ways melmelayaaye
Waa maalin gelinkeed adduun meel la joogaba e
Waadigan magaabee tixyahay maatadii gabaye
Way mala awaalaan waxii mooyi aan idhiye
Macaash bay ka deyayaan waxaan meesha qabanayne
Mudanow ninkay leeyihiin mawle lagu sheegye
Immikay madhoodhada tirshaan miidha waaberiye
Hadday mawjadaa garanayaan maylka laga eego
Mataanaha kumuu kala jareen mu'alifkoodiiye
Miisaanku kama dheeliyeen maansadii gabaye
Miishaar afweyniyo hadduu mudac ku heeraayo
Oo ay maqiiqaay tahoo muruqu heesaayo
Miinada hadday kugu xidheen meel fog laga daaray
Maxaan anigu maarayn karaa waa matoor jabaye?

Waxay tidhi macooyaan ahaa mudanta reeraaye
Madadaaladaydaa dhallaan maandhe loo tirine
Mirta iyo cawyskii halkii laga madiixaayey
Maahmaahyahaygii halkii laysu marinaayey
Murtidaan lahaan jirey la guur muunaddii hore e
Miimiida heestiyo maxaa muranna ii keenay?

Waxaan idhi muftaaxii naxwaha maayad lagu tuurye
Miyigaad ku noolayd halkay maqashu daaqaysay
Magaalaaba loo rogey halkaad muuqa ku lahayd
Hablihii Magool iyo lahaa Maydhan iyo Saafi
Mullaaxdii galoolkiyo kuwii maadha guranaayey
Ee morohda soo diiri jirey meesha laga waaye
Milgo kuuma heestiyo kuwaan maansadood garane
Magaalada markii ay tageen maykal baa helaye
Muqdishiyo Hargeysaa tuweys laga maroojaaye
Waxa ay mirqaan moodayaan miicda gaalada e
Maamuus haddii aad lahayd maanta kaa dhimaye
Mooyaa haddii aad dhextaal mooska lagu tuuray
Miiraalihii da'ay hadday milantay suugaanti
Makeekiga ku noolow intuu muluc heesaayo

Waxay tidhi miskiin baad tahoo mooge waa adiye
Ma ogtahay miciin ima taraan magaca soomaale
Mudug iyo waan taaganahay maalla beeg dhabahe
Mufriskiyo waxaad ila tagtaan mawlac buuxsamaye
Masalooyinkaygaan la qorin meesha laga waaye
Weli waa miscirirtii halkay maxastu ii taalle
Midhiqdaan ku sii jiro haddaan marinka lay joogsan
Musku ima xareeyee kitaab mudan la ii yeelin
Muuqayga waan qarinayaa maqalku waa ceebe

Waxaan idhi mahoogtooy adaa mooggan xaajada e
Wax kastoo la maamuusi jirey madadki loo diidye
Miidaanka nimankii fadhiyey maraq ma diiraane
Adigana muraadkaagu waa maaxda ii qora e
Oo macallin ii yeela oo miiddu yay lumine
Mirqin kuuma jarayaan kuwaad moodday gacalkaaye
Waataa malluugtii baxdee meeray feleggiiye
Moorada ayaan dhawrayaa maalmo dabadoode
Maqaarkaa ku sii jiif intuu mayaygu hooraayo.