QALALAASEThis is a featured page


WAA MAANSO KU SABSAN DHIBAATOOYINKA JIRA IYO SIDA AAN SOOMAALIDU ISUGU DEYIN IN NOLOSHA FOOSHA XUN LA ISKA BEDDELO WAANA 2007.

Qalalaase joogiyo
Qiiqiyo wareerkiyo
Qaxarkaa daweeyoo
Qaabkay u socotiyo
Qisadeennu yaab lehe
Qubuuraha maxaa jira?

Kolka lays qanjaafee
Tani kala qaxaysee
Qarfe laysu jiifsado
Quudkii la waayee
Qaadiro hamaansiga
Qadoodiga ku seexdaan
Qori kii cuskanayee
Qaadi waayey laafyaha
Laga qaxo nin litee
Quban yahay dadweynii
Qunyar joogsan waayoo
Qoollaali socodkii
Qamuunyaysi daymada
Qabqablaha u soo baxa
Qaraxiyo hubsiiyee
Qaybinaaya ololkaa
Loo wada qushuucaa
Qalloocay wadaagaan
Isma qabato weeyaan.

Ma qatoobo ruuxii
Ku quraacday dhaydoo
Marka lays qalaayey
Isu qayshataayoo
Qorigiyo rasaastay
Isu qaadataayoo
Marka qawdu yeedhaa
Rag qadaynayaayoo
Qosol raaciyaanoo
Marka qoonsimaad dhaco
Quduraaba joogtoo
Qilaafaad markuu jiro
Ninba qolo ku toosyoo
Quruumii wixii jirey
Qaantii la kala galay
Kama quustii reerkii
Qaalmii la kala dhacay
Laga qaaday geeloo
Qabqab dhaafa mooyee
Nabad lagu ma qooqee
Waa maxay qasuubadu?

Qawaaniinta aadmigu
Maba qabanayaanoo
Nin qabiil ku faanoo
Ka hadlaaya qaaxad
Qabqableeya mooyee
Qunyar socod la diidyoo
Qaraxaad ku nooshayee
Miyaad qaran u dhawdahay ?
Sawdigan is kala qubay
U quturay xigaalkaa
Qoqobaha ku kala jira
Qabiilkii wax kuu yahay
Quruumii adduunyada
Qorraxdaa la marayaa
Qushi sawdigaa yidhi
Qayrkaa la beretemi?

Maxay quruxi kuu tahay ?
Ubadkaaga qaawani
Qadhqadhyada habeenkii
Qayd laguma seexdoo
Qolqol laguma dheeloo
Qashinkii la tuuriyo
Qodaxdaa mudaysoo
Qarshadaa ku jabiseen
Qoobkay wareentaye

Qosol maadigaa kara ?
Ado qalay walaalkaa
Qoyskii aqoon yahay
Qatan tahay carruurtii
Qormaday lahaayeen
Lagu qubay madaafiic
Qudhacay hadhsanayaan
Qandho ay u dheertahay
Illayn quduro yaab leh

Miyaad qiimo leedahay?
Qallashay dhirtaadii
Qod dhacaaya mooyee
Miyaa qori ku beertaan
Qararida ayaa jaray
Ma qonbobay galoolkii
Qawlkii miyuu baxay
In uu qiiqo mooyee

Maxaad ula qabweyn tahay?
Adoo qiiqa soo shiday
maantana qaxoontiya
Qormadaada soo gubay
Qarni hore wixii jirey
Qoloqolo ogsoonoo
Qaar qaar la kala yahay
Sawdigan qamaamka ah
Qarafaysanaayee
Quruumii adduunyadu
Qaxwahii inoo shubay
Halkaad qodi lahayd beer
Qarahiyo hadhuudhkii
Quudkii ka falilayd
Quwad waxaad u leedahay
Qormo xuuxa kula dega
Qabiil kula wadaagine

Dhulka qaaradaa jira
Qoloqolo markay tahay
Qoqobaynnu leenoo
Qaybteennu waa mide
Sawkaa qindhicilkii
Kugu soo qamaamee
Qarka soo jafaayee
Kugu qubay madaafiic
Hablahaaga qaysaday

Haddii aan isqalanoo
Qabiil dhaafi weydaan
Wallee qoomamaa xigi
Qormadaynnu leenahay
Qoon kale ayaa degi
Qaadanaaya taan ogey.





kayd
kayd
Latest page update: made by kayd , Mar 8 2009, 10:40 PM EDT (about this update About This Update kayd Edited by kayd


view changes

- complete history)
Keyword tags: None
More Info: links to this page
There are no threads for this page.  Be the first to start a new thread.