Version User Scope of changes
Aug 7 2007, 4:07 PM EDT (current) kayd 1 widget added, 1 widget deleted
Aug 1 2007, 11:06 PM EDT kayd 1 widget added, 1 widget deleted

Changes

Key:  Additions   Deletions



Maansadiani waxay tilmaamaysaa astaamaha dhaliisha leh ee haddii aynnu Soomaalida nahay aynnu leenahay.

Soomali baan ahay
Sabadaydu waa meel
Siman oo dagaal badan
Haddii aan socdaal tago
Anigoo sibraariyo
Solay jiidha qaato
Warankayga siibane
Ku sibaaqa xaydhoo
Senga fuula mooyee
Sahal looma mari karo
Sagal li'i ma nabadgalo

Laba surin ku kulantaa
Markii ay salaantiyo
Sideed tahay dhameeyaan
Su'aashoodu waa qolo
Ninba saamiguu yahay
Anigoo sansaankiyo
Sawraca tilmaantiyo
Saantayda oogada
Sifo aan wadaagoo
Sawir keliya leeyahay
Sixirkii qabiilkiyo
Sumadaydu waa qolo

Sinta ceerigaabiyo
Sabadii Kismaayood
Boorama salkeediyo
Surimada Nugaaleed
Inta saylac joogtaa
Sadarada quraankiyo
Suuradaa ilaahiyo
Salligay wadaagaan
Sina kuma heshiiyaan
Waan kuu sarreeyaa
Anigaa suldaanka leh
Oo kaa sarkaal badan
Hadallada silloonee
Sunta laga abuuraa
Sifa hayga weeyaan

Noloshaydu waa subax
Samadoo irmaanoo
Sidigtii lammaan tahay
caanii susumayaan
U salaaxo gaawaha
Iyo seben gu'yaadoo
Dhulka saac magooliyo
Siman tahay dareentii

Sahankaygu waa debed
Sacabada intaan furo
Sad shisheeye aan helo
Waxa laygu sooraa
Amma laysaxeexaa
Waa saanad qiiqdiyo
Sulub iyo rasaasiyo
Seef laba afleeyoo
Sebigiyo dhallaankiyo
Lagu dilo sokeeyaa

Dunidoo sodcaashoo
La salooshay meel dheer
Sahankii ku weeraray
Samadaa korkeennoo
Sayruukh la wada ganay
Oo sayniskii jiro
Waxaan ahay samaan hore
Sidii aan ahaayoo
Saabkii kamaan tegin
Salligii kamaan kicin
Saantaan goglanayaa

Dadka kii sarreeyee
Subax uun hogaanshaa
Sahal ugama soo dego
Sandulluu xukumayaa
Sunta qaybi waayaa
Intay sees wadaagaan
Safka way la joogaan
Ma saxaan dhibaatada
Sulaaq maamul baa jira
Sollon go'ay adduunyada

Dhulkaygii sanaaggii
Buuraha salkoodii
Goodir sararaweyniyo
Seenyada ugaadhii
Susumaysey deeradu
Sakaaradi ma joogtoo
Saxariir dhammaadoo
Sibiq xaalku weeyaan
Waa salalmadhlow orod
Seeraan ka dhigayaa

Subaxii la joogaba
Waxaan ahay sarmaaniyo
Nin shidaaya saaroo
Qudhacaan sarriigtaa
Solaygaan dubaayiyo
Soortaan ku kariyaa
Ma siraado shay kale
Sawsawlahaan gubay
Saacii ka bixi jirey
Sabeenuhu ma daaqaan
Waxaan ahay nin suuroo
Dibi dhalay saciisii
Ku siqaaya boodhoo
Samir kaygu waa abdid
Soomaali baan ahay…..